Wahsigu waa tuugga wakhtiga. Dhiganahan kooban waxaynu ku dul joogsan doonnaa wahsiga iyo caajiska. Aan ku bilawno su'aallo kala duwan oo dadku iswaydiiyaan, balse inta badan jawaabahooda ay isku waddo mariyaan.
1. Waa maxay wahsi?
2. Waa maxay caajis?
3. Waa maxay farqiga u dhexeeya wahsi iyo caajis?
Haddii aan ku bilowno wahsi: wahsigu waa daal maskaxeed ku dhaca dadka, Kaasoo yareeya doonista iyo firfircoonida shaqsiga. Caajisku waa daal jidheed ku dhaca dadka, kaasoo keena wax qabad la'aan qofka oo doonaya in uu wax xaqiijiyo. Caajisku darajo ahaan waa uu ka hooseeyaa wahsiga. Waa tamar darro ruuxi ah oo ku dhacda awoodda qofka.
Wahsi iyo caajis waa laba erey oo kala duwan dhawaaq ahaan iyo macna ahaanba, laakiin qoraallo badan aad ku arkayso labadan erey oo isku macno ah, qoraayaduna ay isticmaalaan kolba kii carrabkooda ku soo horreeya.
Ibnu Xajar markuuu kala saarayay laba erey waxa uu ku macneeyay sidan: "wahsigu waa qofka oo waxba qaban kari waaya isaga oo awooddii iyo xooggii leh, cajisku waa qofka oo doonaya in uu wax qabto haddana aan awoodayn."اّ
Sheekh Cayni Eebbe ha u naxariistee waxa uu ku sheegay sharaxa sunanu Abii Daa'uud markii uu sharraxayay xadiiska: "Ilaahow waxaan kaa magan gali caajiska iyo wahsiga", Waxa uu ku macneeyay "caajisku waa qofka oo awoodi waaya ficilada khayrka, wahsiguna waa nafta oo aan isu dirayn waxa wanaagsan iyo rabitaanka qofKa oo yaraada isagoo wax suurto galin kara."
. Sheekh Muxammed Binu Saalix Al Cusaymiin Eebbe ha u naxariistee ayaa u kalasaaray labada erey sidan: "wahsi waa qofka oo ka liita dhankaa doonista, caajiskuna waa qofka oo ka liita awoodda jidhka."
Wahsi Haddii aynu soo qaadanno "wahsi" waa mid ka mid ah xanuunnada macnawiga ah ee faraha ba'an ku haya bulsho waynta caalamka, waxaana la sheegaa in dhammaan dadka laga helo dabeecaddan wahsiga, laakiin lagu kala duwan yahay heerka uu gaadhsiisanyahay. Binii-aadamku waa noole aad u raaxo jecel, sida oo kalena aad u horumar jecel.
Waa laba ammuurood oo aad u kala durugsan maah'maah Soomaaliyeed baa odhanaysa: "Dhib dabadii bay dheefi timaaddaa ". Halkaa waxaa innooga cad in dhibka, rafaadka, quus la'aantu ay tahay waddada lagu gaadho guusha, raaxada iyo horumarka. Waddadaas hareeraheeda waxaa daadsan oo buux dhaafiyay wahsi oo doonaya inuu wakhtiga kaa dilo dabadeedna kuu horseedo fashil, guul darro iyo mustaqbal madow. Dadku waxa ay xidhiidh daciif ah, oo raad gadasho ah ka dhaxaysiiyaan wahsiga iyo samirka. Iyaga oo u maraya odhaahyada ay ka mid ka yihiin “things come to those who wait” oo ah “fursaduhu waxa ay u yimaaddaan kuwa suga”.
Xikmaddan waxa ku cudurdaarta dadka jecel in ay ka wahsadaan fursadahooda iyo hawlahooda daruuriga ah. Odhaahduna macno ahaan waa ay ka xeel dheertahay sida loo adeegsaday markan.
Waxa ku qarsoon „samir‟, taasi oo macnaheedu yahay qofka dedaala laakiin aan niyad jebin, fursaddana wakhtigeeda ku sima ayaa fursadaha wanaagsani u yimaaddan. Samirka iyo wahsigu waa laba kala fog oo aan la is la xidhiidhin karin. Waana sababta samirku guul ugu hoggaamiyo qofka, wahsiguna dib-u-noqosho u hor seedo.
Farqiga intaas le‟eg ma noqon karo mid wax la wadaajiyo oo bar-kulan leh. Caadada wahsigu waa mid cadaadis badan soona noqnoqota. Dhanka kale waxay aqoonyahannada kasmo nafeedda ku talaxtagay tibaaxaan, in dadka wahsadaa (procrastinators) yihiin kuwo aan deganayn, oo warwar iyo walaac u saaxiib ah, neecawda raaxada nafsaaniyadduna ku yartahay. Noocyada wahsiga: wahsigu waxa uu dadka ugu dhacaa siyaabo kala duwan, waxaana la gu soo koobi karaa labo nooc oo waawayn kuwaas oo kala ah:-
1: Wahsi saameeya dabeecada qofka (Behavioral Procrastination) Wahsiga noocan ah waa mid aad u xun, wuxuuna ka dhigaa qofka mid markasta diida inuu ficil sameeyo isagoo isku qancinaya inay jirto cagabad hortaagan. Tusaale ahaan in qofku iska dhaadhiciyo in uu wakhtigu ku yaryahay oo uu san hawl qaban karin, ama naftiisa ka dhaadhiciyo oo uu cududaar uga dhigo in uu san awoodin innuu hawshaas qabto oo ay u baahan tahay awood iyo xirfad uu san isagu lahayn.
Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ahi inta badan waa dad kalsooni yar markastana ku fashilma inay wax qabtaan, hase ahaatee markasta fashilkooda sabab usameeyä. Waxaa kaloo ka mid ah dabeecadaha wahsiga; inaad hawl qorshayso, abaabusho, kaddibna aad bilowdo, islamarkaana aad joojiso adoon ka helin faa'iidadii laga rajaynayay ee lafilayay inay kasoo baxdo, sababo la xidhiidha wahsi huwan adkaysi la‟aan, dulqaad yari, dhib nacayb iyo raaxo jacayl. Wahsiga noocan ah oo sababa khasaare maskax, maal iyo muruq ba leh. Uur-baadhayaal Cilmi baadhis ku sameeyay xidhiidhka iyo saamaynta ka dhaxaysa dhaqaalaha iyo dabeecadda, waxay ku taliyeen "in aan la bilaabin hawl haddii aan la dhamayn karin".
2: Wahsiga saameeya go‟aanka qofka (Decisional Procrastination) Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ah waxaa ka luma go'aanka wayna ku adagtahay inay wax qabtaan, dadkani waxay aad uga baqaan inay khaldamaan, waxayna raadiyaan mar walba in ay helaan xaalad jawi daggan oo ay waxkasta saxaan kahor inta ayna wax qabanin, taasina way ku adkaataa kadibna waxay ku kaliftaa in ay noqdaan wax qabad la'aan. Maxaa keena wahsiga? Rabitaanka nafta oo ah in ay seexato, cunto, cabto, oo aynan waxba qaban waxay raalli galiysaa shaydaanka, heshiiska labadani wuxuuu kuu horseedaa 1: Nafta oo hagaanka kuu qabata, maxaayeelay naftu majecla rafaadka shaqada, gaajada, hurdo la aanta I.w.m. Haddi aad naftaada xagamayn waydo oo ay hoggaanka ama majaraha kuu qabato, suurto gal ma aha in aad ku dhaqaaqdo wax aysan raali ka ahayn, taasina waxay kuu horseedaysaa wahsi joogta ah iyo wax qabad la'aan, illaaa aad ka noqoto qof u nool kaliya cabidda iyo wax cunidda
2: Qorshe la'aan: dad badan ayaa waxay ku nool yihiin nolol bilaa qorshe ah, taas oo ka dhigta in aysan dhadhamin macaanka nolosha oo ay noqdaan kuwo mar kasta kalifan, qaxar iyo dhib ku jira haddana aan qaban wax hawl ah oo la taaban karo. Waxyaabaha u badan ee bulshadeenna ku keena wahsiga waa qorshe la'aanta, iyagoon hawsha eegin qorshe lagu yar yaranayo aan samayn siday u kala culus tahay aan ogayn, si loo kala hormariyo aan war ka hayn, ayay iska dhex cararaan taasina waxay ku sababtaa wahsi, quus iyo fashil joogta ah.
3: Dib-u-dhigashadu: waa ficillo u la kac ah oo aan gadaal ugu dhiganno hawlaha innoo yaalla. Dib-u-dhigasho waa inaad dib u moostaa hawl kuu qorshaysnayd inaad qabato wakhti cayiman, iyadoo ayna jirin wax sabab ah oo keenay dib u dhigaas,
illaa ay kagaadho heer ay hawluhu bataan naftuna kugu qanciso ma qaban kartide iska dheerayso barkinta. Saamaynta dib-u-dhigashada waxaa kamid ah hawlaha la qabto way kala darojo hooseeyaan ama kala dhib yar yihiin haddii aan raacno hawada nafta waxay doorbidaa qabashada hawlaha fudud, wakhtiga yar u baahaan, aan dhibka badan lahayn, ee lagu dhex nasan karo. Halka ay naftu jeceshay in dib loo dhigo hawlaha culculus ee xiiso nafeeddu ku yartahay.
Hawl kasta oo daba martaa wakhtigii loo qorsheeyay, waxay noqotaa mid caqabad abuurta marka danbana wakhtiga ku cidhiidhida ama kaa lumisa wakhtiyo kale oo aad hawlo muhiim ah ku qabsan lahayd, waxaana dhacda inay dib u xallinteedu adkaato ama lunto. Mar kasta oo aan cududaar u helno dib-u-dhigidda hawl maanta inoo taalla si aan barri qabano, waa xilliga aan ku sii anbanayno dariiqaan ka gali lahayn xaydaabka wahsiga.
Goortaan baranno sida loo joojiyo dib-u-dhigashada aan loo baahnayn waa marka aan helnay jihadii iyo waddadii aan ooga bixi lahayn xaydaabka wahsiga iyo dib-u-dhigashada. Hawl kasta oo dib loo dhigaa waa mid keenta in laga daallo ugu danbayna lagu guul daraysto. 4: Shaqo la'aanta (bilaa camalka): Shaqo la'aantu waa waxyaabaha ugu badan ee qofka ku keenta wahsiga iyo cago jiidka, waayo shaqadu waa shayga kaliya ee qofku ku dareemo isku filaansho iyo daganaan maskaxeed.
Haddii aanad wax camal ah haynin wax walba wuu kugu adkaanayaa ugu danbayntana isku buuq iyo kalsooni darro ayaa ku gu dhacaya ku guna keeni kara wahsi tiro beel ah. 5. Kalsooni darro: Kalsoonidu waa awoodda uu qof ku qaban karo shaqo kuna hawl gali karo, taas oo u saamaxaysa qofka inuu noqdo mid dagganaani ka muuqato mar kasta oo uu hawlgalayo. Kalsoonida qofku mar kasta oo ay yaraato waxa ku dhaca cabsi, wahsi iyo u habrasho hawlo badan oo uu qaban karo, taas oo ugu danbayn qofka ku keenta wahsi aad u badan.
Comments
Post a Comment