Wahsigu waa Dilaaga Waqtiga

 Dhiganahan kooban waxaynu ku dul joogsan doonnaa wahsiga iyo caajiska. Aan ku bilawno su'aallo kala duwan oo dadku iswaydiiyaan, balse inta badan jawaabahooda ay isku waddo mariyaan. 1. Waa maxay wahsi? 2. Waa maxay caajis? 3. Waa maxay farqiga u dhexeeya wahsi iyo caajis? Haddii aan ku bilowno wahsi: wahsigu waa daal maskaxeed ku dhaca dadka, Kaasoo yareeya doonista iyo firfircoonida shaqsiga. Caajisku waa daal jidheed ku dhaca dadka, kaasoo keena wax qabad la'aan qofka oo doonaya in uu wax xaqiijiyo. Caajisku darajo ahaan waa uu ka hooseeyaa wahsiga. Waa tamar darro ruuxi ah oo ku dhacda awoodda qofka.



Wahsi iyo caajis waa laba erey oo kala duwan dhawaaq ahaan iyo macna ahaanba, laakiin qoraallo badan aad ku arkayso labadan erey oo isku macno ah, qoraayaduna ay isticmaalaan kolba kii carrabkooda ku soo horreeya. قاه ابِ دجر في اىفتخ: "اىفرق بيِ اىعجز ٗاىنسو، اُ اىنسو ترك اىشيء ٍع اىقذرٓ، ٗاىعجز عذً اىقذرٓ." Ibnu Xajar markuuu kala saarayay laba erey waxa uu ku macneeyay sidan: "wahsigu waa qofka oo waxba qaban kari waaya isaga oo awooddii iyo xooggii leh, cajisku waa qofka oo doonaya in uu wax qabto haddana aan awoodayn." فقذ رمر اىعيْي في شرح سِْ ابي داٗ. عْذ شرح دذيث: "ىييٌٖ إّي أع٘د بل. ٍِ اىعجز ٗاىنسو" دمر- اُ اىعجز ٕ٘ عذً اىقذرٓ عيي فعو اىخير، ٗاىنسو ٕ٘ عذً اّتفات اىْفس ىيخير ٗقية اىرغبٔ فئ ٍع اٍنأّ. Sheekh Cayni Eebbe ha u naxariistee waxa uu ku sheegay sharaxa sunanu Abii Daa'uud markii uu sharraxayay xadiiska: "Ilaahow waxaan kaa magan gali caajiska iyo wahsiga", 


Waxa uu ku macneeyay "caajisku waa qofka oo awoodi waaya ficilada khayrka, wahsiguna waa nafta oo aan isu dirayn waxa wanaagsan iyo rabitaanka qofKa oo yaraada isagoo wax suurto galin kara." ٗفتو اىشيخ: دمحم بِ صاىخ اىعثيَيِ -- ردَٔ هللا --- اىفرق بيِ اىعجز ٗاىنسو، اُ اىنسو ضعيف ٍِ االردٓ، ٗاىعجز ضعيف ٍِ اىبذُ. Sheekh Muxammed Binu Saalix Al Cusaymiin Eebbe ha u naxariistee ayaa u kalasaaray labada erey sidan: "wahsi waa qofka oo ka liita dhankaa doonista, caajiskuna waa qofka oo ka liita awoodda jidhka."

lasoco qeybta xigto

Qore: Cabdiraxmaan Cirro 



Comments