Tiktok
Waxa aan kamid nahay bulshooyin badan oo halis ugu jira dabar-go' dhaqan, liinbax diin iyo ka tagis sooyaal quruxbadan oo xishood iyo edeb asal u ahaa, sida ummadaha kalaba waxa aan qarka u saaranahay in aan weyno wanaag badan oo aan lahayn.
Tiktok waxa uu kamid yahay halista bulshadeena ku waajahan ee ay khatarta ugu jiraan, Tiktok adduunka oo dhan maanta dadka sida joogtada ah u isticmaala waxay ka badanyihiin 800 oo milyan, dadka dagsaday oo taleefoonadooda ku shubtayna waxay ka badanyihiin 1.5 billion oo qof. Waxa uuna Tiktok noqday application-ga aan game-ka ahayn ee loogu dagsiga badanyahay app store-ka iyo google play-ga.
41% dadka isticmaalaa Tiktok waxay da'doodu u dhaxaysaa 16-24 jir, waxayna u badan yihiin dhalinyaro caadifadooda iyo shahawaadkoodii ay ka qaalib noqotay. Tiktok maanta wuxuu noqday mid kamida aplication-da ugu baaxada wayn ee baraha bulshadu ku xiriirto, muuqaaladiisu waxay soconayaan ilbiriqsiyo, wuxuu awood kuu siinyaa inaad ku qabatid muqaalkaaga codod ay dadkale duubeen, waxaad bilaabaysaa isticmaalkiisa maanta, waxaadna beri noqonaysaa qof caan ah oo ay ku xiranyihiin kumanaan qof oo kala luqad iyo jinsi duwan, hadii aad gashid oo aad damacdid inaad ka dhex raadisid hal video ama muuqaal oo wax ku soo kordhinaaya caqligaaga ama noloshaada waa habeenkii xalay ahaa oo tagay inaad wax ka faa'idid, hadana iyada oo ay sidaas tahay bay waxay kuugu qaadanaysaa saacado inaad ka dhex baxdid sidii in la sixray caqligaaga.
Maanta waxyaalaha bulshooyinka adduunka isa sii baray oo isku furay waxaa kamida application-nada baraha bulshada ee waayadaan dambe bulshooyinka hal meel isugu keenay, waxayna ka qayb qaadatay in bulshooyinkaas kala duwan ay soo baxaan dhaqanadoodii, waxaad arkaysaa in bulsho loo haystay bulsho dhaqan wanaagsan ay maanta noqotay bulshooyinka ugu liita, ka soomaali ahaan waxaa la inaga aaminsanaa bulsho akhlaaqiyan iyo diiniyanba horumarsan, oo ahlu diina, xifdisana Qur'aanka xitaa hadaynaan maadiyan horumarsanayn, laakiin maanta qofkii soo galaa Tiktok oo aan waligii soomali maqal markuu arko muxuu ka fahmayaa? Dabcan wuxuu ka aaminayaa bulsho wada niikinaysaa oo qabyaalad aan loo meel dayayn ku kadeedsan oo la dhiban.
Tiktok khatarta uu leeyahay waxaa maanta ka soo horjeedsaday oo wadanadooda ka mamnuucay dowlado waawayn, waxaa lagu maxkamadeeyay Maraykanka waxaana sidoo kale laga dacweeyay dalalka Bakistan, Masar iyo Al-Jeeriya. Waxaan maalin dhawayd soo qoray Netfilix iyo filimaanta xun ee da'yarta loogu soo hoos galinaayo waxyaabo badan oo dhaqankooda iyo diintoodaba ka soo horjeeda caqligoodana lagu xadayo, laakiin barnaamijkaan Tiktok wuu ka khatar badanyahay saamayntiisu Netfilix.
Dhibaatooyinka ugu waawayn ee uu Tiktok maanta soo kordhiyay waxaa kamida in qoysaskii iyo guryaha dhexdoodii ay noqdeen meelo aan lahayn wax khusuusiyaad ah oo xitaa qolkii hurdada lasoo duubaayo, waxaa laga yaabaa dadka qaar kamida xitaa alaabtooda iyo qaabka ay guriga ugu taal in ay dadka la wadaagaan, oo hadii ay macquul noqoto inaad gurigooda dhex takto aadba taqaan shay kastaa meesha uu u yaal. Waxyaabaha kale ee uu Tiktok inagu soo kordhiyay waxaa kamida inay isku dhacaan qoysas badan oo halkaas ku burburaan, waxaa kaloo arkaysaa in dad badani ay jirkooda wax ku raadinayaan oo aad mooda in dhaqankii iyo xishoodkiiba laga tagay.
Waxyaabaha la yaabka leh ee uu Tiktok la gaarka yahay waxaa ka mida in adiga oo aan account ka samaysan aad awood u leedahay inaad daawankarto muuqaaladiisa aan dhamaadka lahayn oo hadii aad maantoo dhan wado anuu dhamaanayn, wakhtigaagiina uu sidaas ku dhamaanayo.
Maanta dhlinyaro badan ma awoodaan inay shan daqiiqo wax akhriyaan iyagoon maskaxdoodu bixin, waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo ka cabanaya qoraal yar oo ku dhahaya cod ahaan noogu soo duub, waa duul maskaxdoodii lagu cayaaray.
Moobilkaga gacanta aad ku haysato ee aad facebook-ga aad galayso, email-ka aad furayso kadibna aad uga sii gudbayso Tiktok iyo Tuwiter kumanaankaas macluumaad oo kala duwan ee aad ishaada ku daawaynayso waxay kuugu sababaysaa xaalad maqnaan joogta ah iyo taxadar la'aan ah, waxaadna ka dhaxlaysaa inay maskaxdaadu dhowrkii ilbiriqsiba ay is badasho, sabatoo ah waxaad arkaysaa war murugo leh, mid farxad leh, quraan iyo hees isku xigta waxaad galaysaa xaalad qasnaan camal ah. Waxaa la yaab leh Tiktok in aanuu dhamaadba lahayn oo aad hal daqiiqo ku daheed aad ku daawanayso murugo, qosal, oohin, muxaadaro kadibna ay maskaxdaadu noqonayso qol ay ku dhex hardamayaan kumanaan macluumo oo kala shaydhayn u baahan, xitaa waxaa la sheegaa muuqaalada gaagaaban ee dag-daga ah in ay u dhigmaan daawashada muqaalda xun xun xaga saamayntooda, waxaa adkaanaysa inaad shan daqiiqo kaliya aad wax u sabarto maadaama aad la qabsatay macluumadaa dag daga ah, oo wax kastaa waxaad ku raadinaysaa dag dag.
Tiktok wuxuu wax yar ku badalayaa dhaqan iyo hide umadi lahayd, waxaa dhacdaa in dad badan ay cuduro nafsiyan ah ka qaadaan isticmaalka badan ee Tiktok marka ay xaalad kala soo daristo, waxaa jirta in muusiga video-yada ku lamaan in ay qaarkood ka hadlayaan waxyaabo jaraa'im, maandooriye, qowmu-luudnimada iyo falalka dilalka ah, amaba waxaa kaloo arkaysaa ilxaadnimo iyo gaalnimo cad kuwo ka hadlaya.
Tiktok Algorithm-ka uu ku shaqeeyo waxa uu qiimaynayaa muuqaalada marka ay kaa soo hor baxaan aad ku ceshato aadna jeceshahay daawashadooda ama aad like-ta saarto ama profile-ka qofka aad gasho oo aad muuqaaladiisa daawato waxa uuna sidaas ku fahmayaa in aad waxyaabahaas xiisayso, taasina waxay keenaysaa inuu muuqaalada ku xiga uu kuu soo saarayo uu ka dhigo wax yaalahaas aad xiisaynayso taas oo adigana Dopamine-ka jirkaaga kor u qaadaysa farxadna aad ka helayso, app-kiina aad sidaa wakhti badan ugu bixinayso, taasina waxay cadaynaysaa in muuqaal kasta oo aad daawataa uu Tiktok siinayo xog adiga shakhsiyadaada, dabcigaaga iyo waxaad xiisayso ku saabsan.
Hadaba dhalinyaro badan waxaa macquul ah inay halkaas ka bartaan dad badan oo jinsayadoodii badalay, oo gabar wiil iska dhigtay ama wiil gabar iska dhigay uu barto, macluumaadkoodii buu dhagaysanayaa, faalooyinkoodii buu akhrisanayaa, sawiradoodii buu arkayaa, kadibna mab da'oodii buu qaadanayaa, ilaamahaasina markii horeba caqliyad ku filan ma lahayn, caqli uu ku kala shaandheeyona oo uu ku kala gorfeeyona malahan, aakhirkana wuxuu isku dayayaa sidii uu iyagoo kale u noqon lahaa. Tiktok-na waa meesha cayda nooc yadeeda kala duwan iyo af-xumaan oo dhan laga barto, ogaadana dhammaan macluumaadka dadka oo dhan Tiktok waxay ka iibisaa shirkadaha wax xayaysiiya.
Maanta waxaa bayaana oo aad arkaysaan da'yar badan oo maskaxdooda umada kale ay haysato, qolof kooda kaliyaa maxaa laga dhaxlayaa? Dabcan waa nasiib daro aan kala kulmi karno inaan aragno da'yar nasakhan oo maskaxdoodii lamasaxay inay inoo joogaan, waxaana halis wayn ugu jirnaa inaan waayi doono jiil dhan.
Qofka bini-aadamka ahi marka uu noolyahay oo ay naftu ku jirto waa damqadaa, laakiin hadii qofku mayd yahay ma damqado, sidaas si lamida qalbiga bini-aadamku nolol buu leeyahay wax yaalaha xumaanta ah hadii uu ka damqan waayo qalbigiisu waa dhintay oo waa mayd, sidaas dareed nabigeenu (S.C.W)wuxuu yiri:
أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إِذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ،
وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ». متفق
Jirka bani-aadamka waxaa ku jirta xubin yar oo hadii ay wanaagsanaato uu jirkoo dhan wanaagsanaanayo, hadii ay xumaatona uu jasadkoo dhan xumaanayo.
Waxyaabahaas oo dhan ee aan ka soo sheekaynay qalbiga dhaawac bay galinayaan, ugu dambayna waxay dhaxal siinaysaa inuu qalbigu dhinto, hadii uu qalbigu dhintona qofkaasi waa mayd soconaaya, fitnadaas oo dhana waa fitnatii uu Nabigu (S.C.W) i nooga digay, fitna kastaana tan ka dambaysaa way ka sii mugdi badantahay siduu habeenku saacadba saacada uga dambaysaa ay uga mugdi badantahay, waxaa jirta maah-maah soomaaliyeed oo oranaysa( CIMRIGAAGOO DHEERAADA GEEL DHALAYANA WAA UU KU TUSAA) tolow fitnooyinka ka dambeeyaa siday noqon doonaan? Fitnooyankani ma waxay hor dhac u yihiin soo bixitaankii dajaal?!
Hadaba maanta dadka Tiktok aduunyada ka raadinayaa maxay ka faa'iidayaan aduunyo ay cirdigoodii, sharaftoodii iyo diintoodiiba ay ku gateen, ficiladaasi xun oo dhana waxay wax u gaysanayaan xishoodkii uu qofku xishoon lahaa iyo xakamayntii uu ficiladiisa xakamayn lahaa. Nabigeenuna (S.C.W) isagoo qiimaha xishoodka inoo sheegayana wuxuu yiri:
الإيمان بضع وسبعون أو بضع وستون شعبة، والحياء
شعبة من الإيمان
Iimaanku wuxuu ka kooban yahay lixdan iyo dhowr ama todobaatan iyo dowr qaybood, xishoodkuna waa qayb kamida.
Wuxuu kaloo nabigu yiri (S.C.W) yiri:
" الحياء والإيمان قرنا جميعا ، فإذا رفع أحدهما رفع
الآخر "
Iimaanka iyo xishoodka waala xiriiriyay, mid haduu meesha ka baxona kan kale waa la waayayaa.
Waalidku haddaysan u warhayn ubadkoodu maanta waxa ay daawanayaan iyo waxa ay samaynayaan dhibaato wayn baa ka dhalan karta, Tiktok iyo waxyaalaha lamidka ahna qoraal yar laguma soon koobi karo, intaas baana ku joojinayaa, waxaana rajaynayaa inay dad badan ka bixi doonaan halaaga meeshaa ka socda, amaba hadii aan la joojin karin loo badalo meel macluud waxtar leh laysku dhaafsado, oo bushada dhaqankooda iyo diintooda la ixtiraamo, caqligoodana aan lagu ciyaarin.
Towfiiqda Alle ha ina waafajiyo.
Qalinkii: Ibrahim Muxammad.
Comments
Post a Comment