Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray dhex dhexaadiyaha Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, kaasoo ahaa in ciidamada Eritrea ay isaga baxeen waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib heshiis lagu sooafjarayo laba sano oo dagaal sokeeye ah.
Obasanjo ayaa u sheegay Financial Times usbuucii hore in “dhammaan ciidamada Eritrea” ee ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka Itoobiya dagaalkii Tigray ee qarxay bisha Noofambar ee sanadka 2020-ka ay dib ugu laabteen xudduudda Eritrea.
Si kastaba ha ahaatee, Prof Kindeya Gebrehiwot, oo ah sarkaal ka tirsan kooxda TPLF, ayaa saaka soogaliyay sawirka askarta Eritrea oo la sheegay inay ku sugan yihiin magaalada Shire.
“Xaqiiqdu waxay tahay in ciidamada Eritrea ay weli joogaan Tigray, ma joogaan xudduudaha! Sawirkan oo dhawaan soo baxay, ayaa muujinaya ciidamada Eritrea ee ku sugan Shire
Comments
Post a Comment